|
Baydhabo,(insidesomalia.org)- Ciidamada Dawladda Soomaaliya iyo Kuwa Itoobiya ayaa saaka xiray inta badan wadooyinka Magaalada Baydhabo, waxa ayna talaabadan qaadeen markii ay saakadii hore ku dhaqaaqeen ciidamo ka tirsan Dawladda Soomaaliya baaritaano.
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa xiray wadooyinka muhiimka ah iyo dhamaamna goobaha ganacsiga, waxa ayna joojiyaan dhaqdhaqaaqii dadka iyo Gaadiidka ee Magaalada Baydhabo.
Ciidamadu waxa ay galeen guryo looga shakisan yahay in ay ku dhuumanayaan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya & dadkii ka dambeeyey dilkii loo geystay Allaha unaxariistee Maxamed Cusmaan Maye oo habeen hore lugu dilay Magaalada Baydhabo.
Wariyaasha Madax banaan ee jooga Baydhabo ayaa soo sheegaya in ay ciidamadan qabteen dad, dadkaasi waxaa lasheegay in ay ka soo qabteen mid ka mid ah Afarta Xaafadood ee Magaalada Baydhabo.
Dhinaca kalena wararka naga soo gaaraya Baydhabo ayaa sheegaya in uu qarax weyn ka dhacay gudaha Magaaladaasi, kaasoo ahaa Bam kuwa meelaha fog laga hago, waxaana lala beegsaday ciidamada dawladda Soomaaliya & kuwa Itoobiya oo ay uxiran yihiin wadooyinka Magaalada Baydhabo.
Wariye Madax banaan ayaa sheegay in Qaraxan si toos ah lala doonayey in lugula beegsado gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dawladda Soomaaliya, laakiin uu ka badbaaday.
|